Kooxo hubaysan ayaa magaalada Beledweyne ku dilay gudoomiye ku-xigeenkii maaliyada degmada Beledweyne Cabdi Sahal shuuriye sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen Maamulka Gobolka Hiiraan.
Cabdisahal oo ahaa nin dhalinyaro ah oo firfircoon ayaa si weyn looga yaqaanay magaalada Beledweyne.
Kooxdii dilka geysatay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen oo ciidanka amniga aysan ku guuleysan in ay qabtaan.




From the comments