U bood dhigaalka

DEG DEG: Erdogaan oo Xiisada Ka Dhaxeeysa Itoobiya iyo Soomaaliya Kala Hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xilli barri lagu wado inuu furmo shirka lagu dhexdhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya.

Shirka dhanka qadka ah ayaa looga hadlay xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, is bedelada gobolka iyo caalamka iyo sidoo kale xiriirka labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Erdogan ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya.

Isagoo ku nuux-nuux saday in Turkiga uu sii wadi doono dadaallada uu ku doonayo in lagu xalliyo xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweyne Erdogan ayaa ka dhawaajiyay inuu rajeynayo natiijada la taaban karo ee ka soo bixi doonta wareegga labaad ee wada xaajoodka Turkiga ee lagu dhisayo dib u heshiisiinta labada dal.

Wadahadalkaan ayaa yimid xilli Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin Turkiga si ay uga qeybgalaan wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya

Wafdigaan ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga, iyagoo matalaya Dowladda Soomaaliya, kana qeybgeili doonaan wareegga labaad ee wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya, kaasoo ay garwadeen ka tahay Dowladda Turkiga.

Wadahadalkan ayaa lagu wadaa in uu magaalada Ankara ka furmo maalinta berri ah kaasoo seddex todobaad horey looga soo dhigey waqtigii hore ee lagu ballansanaa.