U bood dhigaalka

Erdogaan oo Xiisadda Ka Dhaxeeysa Itoobiya iyo Soomaaliya Kala Hadlay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, kulanka qadka ah ayaa looga hadlay is bedelada gobolka iyo caalamka iyo sidoo kale xiriirka labada dal ee Turkiga iyo Itoobiya.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa uu sii xoogeysanayo xiriirka labada dal.

Waxaa ay sidoo kale ka wada hadleen xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

” Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Turkiga uu sii wado dadaallada uu ku doonayo in lagu soo afjaro xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Madaxtooyada Turkiga.

Madaxweyne Erdogaan ayaa xusay in tallaabooyinka ay qaaday Itoobiya ay keentay welwelka Soomaaliya ee ku aaddan midnimadeeda, madaxbannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed loona baahan yahay in meesha laga saaro si loo fududeeyo hanaanka wadahadalka.

Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay in Israa’iil ay sii waddo xasuuqa Gaza, madaxweyne Erdogaan wuxuu sheegay in Itoobiya oo taageerta qadiyadda Falastiin iyadoo u xaglinaysa damiirka bini’aadminimada ay gacan ka geysan doonto dadaalka beesha caalamka ee nabad waarta.

Wadahadalkaan ayaa yimid xilli Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo ay u kicitimeeb Turkiga si ay uga qeybgalaan wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya

Wafdigaan ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga, iyagoo matalaya Dowladda Soomaaliya, kana qeybgeili doonaan wareegga labaad ee wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya, kaasoo ay garwadeen ka tahay Dowladda Turkiga.

Wadahadalkan ayaa lagu wadaa in uu magaalada Ankara ka furmo maalinta Isniinta ah ee 12 August, 2024, kaasoo seddex todobaad horey looga soo dhigey waqtigii hore ee lagu ballansanaa.