U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Dalka Rwanda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa gaaray magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa ka qeyb-galaya caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame oo dhowaan dib loo doortay, islamarkaana muddo xileed cusub oo hoggaaminta dalkaas ahi uu hadda u billaabmayo.

Madaxweyne Xasan shiikh ayaa muddada uu kigale joogo waxaa la filayaa inuu kulamo kale duwan la yeelan doono dhiggiisa dalkaas Paul Kagame iyo madaxda kale ee caleemasaarka ka qeyb-galaysa.