U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidanka oo Xukun Ku Riday Askari Hore u Dilay Askari kale

Ciidamadda Qalabka sida, ayaa xukun kasoo saartay Xidigle Maxamed Xasan Maxamed oo loo heysto inuu dilay Ex-Xidigle Ridwaan Ibraahim Cabdullaahi oo milatariga ay kawada tirsanaayeen, falkaasi oo dhacay Labo iyo tobankii May ee Sanadkaan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Labaatan iyo afartii bishii May ee Sanadkaan, balse Xeer ilaalinta ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Lixdii Bishaan August Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, iyada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, ayaa ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Xidigle Xoogga Maxamed Xasan Maxamed ayey Maxkamadda sare ku xukuntay inuu Bixiyo Boqol neef oo geel ah oo ah magta marxuum Ex Xle Xoogga Rideaan Ibraahim Cabdullaahi iyo sidoo kale Labo Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.