U bood dhigaalka

Kenya oo Maxkamadaynaysa Hoggaamiye Diimeed Taageerayaashiisa Ku Amray Inay Gaajo Isku Dilaan.

Hoggaamiyaha koox diimeedka loo yaqaanno ururka gaajada ee dalka Kenya ayaa la soo taagay maxkamad si loogu qaado gal-dacwadeed ku saabsan dhimashada in ka badan 400 oo xertiisa ah, kuwaas oo ku geeriyooday mid ka mid ah masiibooyinka ugu xun ee la xiriira cibaadada marin-baabinta ah.

Paul Mackenzie oo madax ka ah Kaniisad ku taalla dalkaas ayaa hadda wajahaya eedeymo la xiriira dil, jirdil caruureed ka dib markii bishii Abriil ee la soo dhaafay la helay boqolaal meydad ah oo xertiisa ka tirsanaa, kuwaas oo gaajo u dhintay ayagoo fulinaya amarkiisa .

Horraantii sanadkan Mackenzie waxa uu sheegay in aanu wax dambi ah gelin, balse dacwad oogayaasha ayaa tilmaamay in eedaymaha loo haysto ay ku jiraan kuwo u dhigma ismiidaamin markii sharciga Kenya la eego, ninkan ayaana horay uga soo muuqday maxkamada darajada koowaad ee magaalada dekadda leh ee Mombasa isaga iyo in ka badan 90 kale oo tuhmanayaal ah, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha iyo saraakiisha maxkamaddu.

Dacwadaha ninkan loo haysto oo qaarkood aanay weligeed kenya ka dhicin asaga ka hor ayay dacwad oogayaasha u diyaarsadeen ugu yaraan 420 markhaatiyaal ah, ayadoo dhageysiga dacwadu uu socon doono muddo afar maalmood ah.