U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Magaalada Kigali Kulan Gaar ah La Yeeshay Dhiggiisa Rwanda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame oo uu ka qeyb-galay caleemo-saarkiisa.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyaga adkeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashiga gobolka uu ka qaadan karo wax ka qabashada caqabadaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Paul Kagame ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey horumarka ay ka gaartay dhinacyada, amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha, waxa uuna ballanqaaday in Rwanda ay taageeri doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.