U bood dhigaalka

Ra’iisul wasaare Xamse oo Xaafiiskiisa Ku Qaabilay Dhallinyaro si Firfircoon Uga Qeyb-qaatay Gurmadkii Dhaawacyada Qarixii Liido.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo xafiiskiisa ku qaabilay saddex dhallinyaro ah oo naftooda u huray badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxii xeebta liido ee khasaaraha badan dhaliyay ayaa bogaadiyay geesinimada iyo firfircoonida muwaadinno ee ay dhallinyaradaasi muujiyeen.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay ku abaalmarin doonto geesinimdii iyo howkarnimadii ay dadkooda dhibaatadu gaartay ugu gurmadeeb, islamarkaana ay muteyseen bilad iyo shaqaalaysiin rasmi ah oo ay dowladdu u samaynayso.

Dhallinyaradan ayaa qeyb ka ahaa boqolaal qof oo dadweyne iyo madaxba isugu jira, kuwaas oo si xilkasnimo ah uga qeyb-qaatay gurmadka dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay qaraxii lagu hoobtay ee labadii bishaan ka dhacay Huteelka Beach View ee xeebta Liido.