Wareegga labaad ee wada hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkigu garwadeenka ka yahay ayaa lagu wadaa inay maanta ka furmaan Magaalada Ankara ee dalkaas, waxaana hadalkaas ku sugan wasiirrada arrimaha dibedda labada dowladood iyo masuuliyiin kale oo heer sare ah.
Ka sokow doodda iyo wada xaajoodka miiska wada hadalka ka dhici doonaa, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa gooni gooni ula hadlay hoggaamiyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Abii Axmed Cali, waxaana la sheegay inuu la gaaray is faham laga yaabo inuu war murtiyeedka hadallada qeyb ka noqan doono ama uu isku soo dhowaansho horseedi karo.
Itoobiya dhankeeda waxaa suurta-gal ah inay miiska la timaaddo qorshe cusub oo uu ku jiro codsiga deked la siiyo, taa badelkeedana ay ka laaban doonto dameceedii muranka weyn dhaliyay ee ay ku hunguriyaysay qeyb ka yimida badda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, ka dib markii ay heshiis sharci darro ah la gashay Soomaaliland.




From the comments