U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Wada-hadallada Magaalada Ankara ee Itoobiya Kala Dhexeeya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay wareeggii labaad ee wadahalkii u dhexeeyay Somalia iyo Ethiopia oo gareadeen ay ka tahay dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo u waramey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in wareeggii labaad ee wadahadalka looga dooday arrimo badan, Soomaaliyana ay caddeysey mowqifkeeda ku aadan dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiirku ku tilmaamey lama taabtaan.

Waxaa wareeg 3aad oo wadahadal ah loo balansan yahay bisha September, sida ay shaacisay Dowladda Turkiga, wadahadallada dhacay maanta ilaa shalay ayaa ahaa kuwa aan toos aheyn oo dhinacyada loo kala dabqaadayay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Fiqi ayaa u mahad celiyay Dowladda Turkiga sida mas’uuliyadda leh ee ay ugu istaagtey xal u helista xasaraddan ka dhalatey heshiiskii sharcidarrada ahaa ee Ethiopia la gashey mid ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.