U bood dhigaalka

Goobaha Dhaqan Celinta Muqdisho Qaarkood oo Isku Badelay Xabsi Dad Lagu Jirdilo.

Walaahowga nolol xumada iyo halisaha baaxadda ee uu maandooriyuhu horseedi ayaa keenay xanuunno dhanka dhimirka ah iyo xaalado nafsaani ah ay dhibane u noqdaan kumanaan Soomaali ah oo dhallinyaro iyo waayeelba isugu jira.

Dadkan iyo kuwo kale oo dalka dibeddiisa ka soo laabtay ayagoo xasilloonj darro dhanka maskaxda ah dareemaya ayaa waxaa la tacaalidooda u guntada xegtadooda oo ay waalidkood iyo walaalahood ugu horreeyaan.

Maadaama xanuunn jirka ahi aanu ka muuqan inta badan isbitaallada lama eego ee qur’aan saar ayaa loo sameeyaa, haddii xaaladoodu ay ka soo rayn waysona waxaa lagu xareeyaa goobaha loo yaqaanno dhaqan-celinta.

Goobahani waxay intooda badan ka simanyihiin qarashka laga qaadayo bukaanka oo ah mid aad u sarreeya, waxay’se ku kala duwanyihiin sida loola dhaqmayo qofka ku jira , islamarkaana loo baxnaaninayo xaaladdiisa caafimaad.

Dhaliisha ma wada laha, balse qaarkood waxay la midyihiin xabsi militari oo si xun loogu jirdilo bukaanada ku jira, kuwaas oo sidii xamaabiistii loola dhaqmo, waxaana ka dhaca gabood fallo qaarkood ay dhimasho sababaan.

Waxaa howl-wadeenadooda kamida rag xoog leh oo u xilsaaran inay garaacaan qof kasta oo ka dhaga adayga u hoggaansanaanta waxa ay farayaan, waxayna ku dadaalaan inay bukaannada walba oo goobtaas soo galaa uu ka baqo inay tillaabo adag ka qaadi doonaan haddii uu amarka diido.

Horraantii todobaadkan wiil kamid ah dadka ay balwaddu dilooday oo xarumaha dhaqan-celinta middood la geeyay ayaa geeriyooday, baaritaan ka dibna waxay dhaqaatiirtu ogaadeen in la ceejiyay, ayagoo sidoo kale jirkiisa sun laga helay sida inoo xaqiijiyeen qaar kamida eheladooda oo goobjoog news la hadlay.

Dhacdo taa lamid ah ayaa bilo ka hor ka dhacday xarun kale oo magaalada muqdisho ku taalla ka dib markii uu bukaan ku jiray ku dhintay koranto la doonayay in laga cabsi-geliyo oo jirkiisa ku dhegtay, sida aan ka soo xegannay mid kamida dhallinyarada goobahaas horay uga soo shaqeeyay.