U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Dalka Masar

.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah, ka dib markii uu marti qaad ka helay dhiggiisa dalkaas.

Madaxweynaha ayaa inta uu Qaahira joogo wuxuu wada hadallo laba geesood ah la yeelan doona Madaxweynaha Masar Cabdel Fattax El-Sisi, ayadoo wada-hadalladaas diiradda lagu saari doono sidii loo xoojiyo iskaashiga iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa magaalo madaxda dalka Rwanda ee Kigali oo uu uga qeyb-galay caleemasaarkii Madaxweynaha dalkaas Paul Kagame ayaa u sii gudbay dhanka Masar, wuxuuna Socdaalkiisa Qaahira ku soo beegmay xilli laysku mari waayay wada-hadalladii magaalada Ankara uga socday Soomaaliya iyo dalka badeeda hororka ku ah ee Itoobiya.