U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kulan la yeeshay safiirka dalka Ingiriiska

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kulan kula qaatay safiirka Dowladda ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis.

Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Safiirka UK ee Soomaaliya kala hadlay qorshaha dhismaha ciidanka xoogga, dib u habeynta xerooyinka Ciidanka iyo sare u qaadista taageerada Dowladda UK ee dhanka Milateriga.

Dowladda Ingiriiska kamida ah saaxiibada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna ka taageertay tababarka ciidamada iyo arrimaha diblomaasiyadda, ayadoo kaalin weyn ku lahayd in Cuna-qabatayntii hubka ee mudda dheer saarnayd.