Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa laan cusub ka furatay magaalo soohdimeedkw Feer-Feer ee gobolka Hiiraan, waxaana munaasabad xarig jar ah oo halkaas lagu qabtay ka hadlay masuuliyiin kala duwan.
Agaasimaha Guud ee HSJ Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in uu dhameystiran yahay guud ahaan qalabkii lagu hubin lahaa dadka ku safraya xuduudka, taas oo qayb wayn ka ah amniga guud ee dalka.
Sidoo kale, waxa uu Agaasimaha Guud sheegay in Hay’addu wado qorshayaal kale oo lagu horumarinayo dhismayaasha bar-xuduudeedyada dalka laga soo galo, taas oo qayb ka qaadanaysa la socodka dhaq dhaqaaqa socdaalka iyo ilaalinta xudduudaha dalka.




From the comments