U bood dhigaalka

Xogyahaya joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo Shir guddoomiyay kulan ku saabsan qorshaha isbadelka qaranka.

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, mudane Kamaal Guutaale , ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo loogu diyaar garoobayo shirweynaha wadatashiga Tiirka Adkeysiga Cimilada ee Qorshaha Isbedelka Qaran.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo gorfeyn lahaa qorshaha lagu wajahayo isbedelka cimilada ee dalka, iyada oo la isku diyaarinayo shirweyne wadatashi oo lagu falanqeyn doono arrintan muhiimka ah.

Sidoo kale waxaa lagu lafa-guray aragtiyo iyo talooyin muhiim ah oo la xiriira sidii loo horumarin lahaa qorshaha qaran ee ka hortagga saameynta isbedelka cimilada, iyadoo laga duulayo baahiyaha iyo caqabadaha jira.

Shirweynaha wadatashiga ee la qorsheynayo ayaa ah mid muhiim u ah mustaqbalka deegaanka iyo horumarka waara ee dalka.