U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegay inaysan Itoobiya Soomaaliya dal Xor ah u aqoonsanayn.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo dadweynaha Soomaaliyeed khodbad u jeediyay ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan hannaanka canshuuraha iibka, dagaalka Al-Shabaab, iyo xadgudubka maamulka Abii Axmed ee ka dhanka ah midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya oo horay u haysatay dhul Soomaaliyeed ay haddana u soo jeesatay inay goosato qeyb cusub oo kamida geyiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana aysan aqoonsanayn madax-bannaanida Soomaaliya, taas oo uu ku tilmaamey mid kamida waxyaabaha fashiliyay shirkii Ankara.

Itoobiya ayaa weli ku dheggan dameceedii guracnaa ee ay ku doonaysay qeyb kamida badda Soomaaliya, balse madaxweynaha ayaa sheegay inaysan arrintaasi marnaba u suurta-gelini doonin, dowladda iyo dadka Soomaaliyeedna ayagoo sida ay maanta yihiin ka itaal yar dhulkooda cadow qaadan waayay.