U bood dhigaalka

Suuqa Bakaaraha oo Saaka Xiran, wax ka Ogow Sababta

Sheeko:War

suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaroo ayaa saaka xiran, ayadoo hal iridoo ganacsi aanay halkaas furanayn, taas oo ka dhalatay shaqo joojin ay ku dhawaaqeen ganacsatada Gobolka Benaadir.

War qoraal ah oo ay ganacsatadu soo saareen ayay ku sheegeen in shaqo joojintoodu ay socan doonto iillaa la xallinayo dhibaatooyin ay tilmaameen inay kala kulmaan dekedda Muqdisho, ayagoo intaa ku daray inay soo kale hakin doonaan alaabihii ay dibedda ka soo dhoofsan jireen.

Shaqo joojintan ayaa ku soo beegantay xilli maanta oo Axad ah lagu waday inay dhaqan-gasho canshuurta iibka oo ay dowladdu dhowaan ku dhawaaqday in laga qaadi doono dadka wax kala gadanaya, waxaana muuqata in kulan uu Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya qaar ganacsatada kamid ah la yeeshay iyo baaq uu madaxweynuhu dirayba aanay baajin gadoodka ganacsatada.

Shaqa joojinta ayaa saameyn xoog leh ku yeelan doonta dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho haddii aan si degdeg ah dowladda u xallin, islamarkaana ganacsatada cabashadooda wax ka qaban.