U bood dhigaalka

wax ka ogow canshuurta iibka iyo dadka ay ku waajibayso.

dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqday hannaan canshuureed cusub oo ku saabsan wax kala iibsiga, taas oo laga qaadayo labada dhinac ee badeecadaha, adeegyada, dhulalka iyo wixii lamida kala gadanaya.

Canshuurtani ma aha mid dunida ku cusub oo dalalka caalamka intooda badan oo ay kuwa derisku kamidyihiin way ka jirtaa, waana qidmad loogu talo-galay in lagu xoojiyo dakhliga dowladda, islamarkaana bixinteedu ay hormarka dalka wax badan ku biirinayso.

Haddaba yaa laga rabaa bixinta canshuurta caynkaan ah? Warcelinta weydiintaan waxaa bulshada Soomaaliyeed u faahfaahiyay wasiirka maaliyadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo kulan ay dowladdu qaar ganacsatada Gobolka Benaadir kamida la yeelatay ka dib warbaahinta la hadlay.

Wasiirka ayaa sheegay inaysan canshuurtani saamayn doonin laba qof oo lacago isku diraya sida adeegga Danabaysan, lacag bank-ga ku keydsan, ganacsade alaab jumlo ah soo iibsanaya si uu faa’iido uga sii raadiyo, iyo warshad wax soo saar oo gudaha dalka ku taalla, islamarkaana doonaysa inay farsamadeeda suuq-geyso.

Wasiir Biixi ayaa sheegay in kala canshuurtani ay ka go’ayso laba dhinac ee toos wax u kala iibsanaya, islamarkaana lacag kula kala wareegaya akoon ganacsi oo diiwaan-geshan, islamarkaana boqolkiiba 5 si toos ah looga jari doono isla xilliga wax kala gashadooda.

Haddaba canshuurtan oo haddii la dhaqan-geliyo kobaca dakhliga dowladda kor u qaadaysa ayaa haddana saamayn ku yeelan doonta nolosha dadweynaha gaar ahaan maciishadda, maxaa-yeelay alaabaha oo dhan qeymohoodu wuu kordhayaa oo qofkii wax iibsanayay lacag dheeraad ah laga doonayaa inuu bixiyo.

Si kastaba ha ahaatee sida ay qabaan xeeldheereyaashu Xukuumadda waxaa la gudboon inay ka feejignaato in canshuurtani ay culays ku noqato nolosha dadweynaha, gaar ahaan baahiyaha aas-aasiga ah sida cuntada, biyaha, caafimaadka, adeegga korantada, iyo lacaga gaadiidka lagu raaco.

Dhanka bulshada oo ay ganacsatadu ugu horreeyaan canshuurtani waxay kamid tahay xuquuqda uu dalku ayaga ku leeyahay, islamarkaana la doonayo inay hormarkiisa uga qeyb-qaataan sidaas darteed waa inay dhanka togan ka fiiriyaan oo ay bixinteeda u dulqaataan maadaama ay dowladdu doonayso inay ka maaranto deeqaha shisheeye ee madax-bannaanida dalka dhaawacaya.