U bood dhigaalka

Israa’il oo duqeyn ku dishay Shan carruur ah oo mataano ahaa

Sida ay xaqiijiyeen goobaha Caafimaadka ee Falastiin Ciidamada Israa’iil oo sii wada duqeymaha ay ka wadaan Marinka Gaza, ayaa xalay dilay ugu yaraan 29 Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen 5 carruur ah oo mataano ahaa.

Isbitaalka Al Aqsa ee Gaza ayaa sheegay, in duqeyn ay ciidamada Isra’il ku bartilmaameedsadeen degmada Deyral Balax lagu dilay hooyo iyo lix carruur ah oo ay dhashay, oo ay ku jireen shan carruur ah oo halmar wada dhashay oo ay da’doodu aheyd 10 jir.

Mohammed Awad Khatab, oo ah awoowga caruurta la dilay ayaa sheegay, in gabadhiisa ay aheyd macallin, carruurtana uu ugu yaraa canug sannad iyo bar jir ahaa.

Duqeyn kale oo cirka aheyd oo ay Isra’il ku qaadday bariga Deyral Balax ayay ku dhishay ugu yaraan afar ruux, sida uu ku soo warramayo wariye ka tirsan wakaaladda wararka AP oo Gaza ku sugan.

Waaxda Caafimaadka Gaza ayaa iyaduna sheegtay, in duqeyn lagu garaacay degmada waqooyi ee Jabaaliya lagu burburiyay dhismo ka koobnaa laba abaartameento, halkaas oo lagu dilay laba nin, iyo haweeney iyo gabadheeda.