U bood dhigaalka

Ra’iisul wasaaraha XFS oo dhagax dhigay dhismaha xarun cusub Baasaboorka laga qaadan doono

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax dhigay xarunta cusub ee Baasaboorada oo laga hirgelinayo Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin kala duwan oo Xukuumadda iyo maamulka Gobolka Banaadir ka tirsan ayaa goobjoog ka ahaa dhagax dhigga xaruntan oo lama filayo inay kaalin weyn ka geysan doonto helidda adeegga baasaboorka oo ay dadweynuhu culays kala kulmaan maadaama xarunta Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha kaliya ay hadda dadka caasimaddu ka qaataan.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu dhowaan laamo kala duwan ka furatay gobollo iyo magaalooyin badan oo dalka kamida, islamarkaana ay dowladdu doonayso in helidda adeeggaas muhiimka ah loo fududeeyo dadweynaha Soomaaliyeed.