U bood dhigaalka

Maamulka Khaatumo oo mamnuucay in hub lagu dhex qaato magaalada Laascaanood.

Sheeko:War

Maamulka ku meelgaarka ah ee SSC-Khaatumo ayaa mamnuucay in magaalada Laasocaanood lagu dhex qaado Hubka nuucyadiisa kala duwan, sida lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray guddiga nabad-gelyada ee maamulkaasi.

maamulka ayaa sheegay inuu tillaabo adag ka qaadi doono cid kasta oo u hoggaansami wayda amarkan, ayadoo digniin u diray talisyada ciidamada, kana dalbaday inay ka fogaadaan in magaalada lala soo galo hub aan howlgal loogu talo-galin.

Dadweynaha ku nool Laascaanood ayaa sidoo kale guddiga nabad-gelyadu waxay ka dalbadeen inay la shaqeeyaan laamaha Ammaanka, waxayna tillaabadani imaanaysaa ayadoo magaalada ay bilihii la soo dhaafay ka dheceen dilal aan ujeedkooda la garan, islamarkaana dhowr qof arrintaas loo qasaasay.