U bood dhigaalka

Sooyaalkii wariye Cali Maxamed Guutaale Allaha u naxariistee

Waxaa saacado ka hor Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Cali Maxamed Guutaale (Cali Qumeyni) oo ahaa rugcaddaa saxaafadeed oo Muddo dheer ku soo jiray Xirfadda warbaahinta, islamarkaana kamid ahaa wariyeyaasha Haldoor ah ee Soomaalida.

Wariye Cali Qumeyni ayaa kamid ahaa howl-wadeenadii warbaahinta Horn Afrik oo mar ahayd idaacadda loogu dhagaysiga badanyahay xarumaha warfaafinta Soomaalida, wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay idaacaddii bar-kulan oo ayaduna ku jirtay qeymaha leh ee wararka iyo barnaamijyada nuxurka leh baahiya.

Sidoo kale wuxuu ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho, muddooyinkii dambena wuxuu la shaqaynayay xaafiisyada warbaahinta Hay’adaha Qaramada Midoobay, asagoo sidoo kale ka tirsanaa bahda Warbaahinta Hiiraan24TV.

Allaha u naxariistee Cali Maxamed Guutaale (Cali Qumeyni) oo in ka badan 34 sano ku soo dhex jiray shaqada warbaahinta ayay dadkii la soo shaqeeyay ku tilmaameen nin howkar ah, islamarkaana bulshaawi ah oo jecel asaxaabtiisa.