U bood dhigaalka

Masar oo ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta xiisadda Israa’iil iyo ururka Xisbullaahi.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Casiisi oo kulan la yeeshay Taliyaha ugu sarreeya ciidamada Mareykanka Janaraal C.Q. brown ayaa ka digay halista iyo cawaaqib xumada ka dhalan kara xiisadda sii kordhaysa ee maamulka Israa’iil iyo ururka Xisbullaahi.

General C.Q. Brown, oo ah guddoomiyaha guud ee saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa gaaray Masar saacado ka dib markii ay Israa’iil iyo Xisbullaahi isweydaarsadeen weerarro gantaallo ah.

Ururka Xisbullah ayaa boqolaal gantaal iyo diyaarado Drones ah ku garaacay Israa’iil, waxayna Israa’iil dhankeeda sheegtay in ay Lubnaan ku garaacday ilaa 100 diyaaradood si ay uga hortagaan weerar horleh oo ay qorshaynayso Xisbullaahi.

War qoraal ah oo uu soo saaray xafiiska Madaxweynaha Masar ayaa lagu sheegay in beesha caalamku looga baahan yahay in ay ay sameyso dadaal kasta oo ay xoojinayso cadaadiska dhinacyada si loo qaboojiyo xiisadda, loona joojiyo xaaladda sii xumaanaysa ee halista ku ah nabad-gelyada iyo xasiloonida gobolka oo dhan.