U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xaafiiskiisa ku qaabilay Sii-hayaha Erayga Qaramada Midoobay.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay Siihayaha Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire James Swan, iyagoo ka wada-hadlay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha QM iyo dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala ee ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dadaalka ay geliyaan dhinaca arrimaha bini’aadanimada, isagoo muujiyey sida ay Xukuumaddiisa uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso QM, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha ahmiyadda u leh Xukuumadda si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.