U bood dhigaalka

Xisbullah oo weerar gantaallo ah ku qaaday Israa’iil 


Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay in ay soo afjareen waxa ag ugu yeereen wajigii koowaad ee weerarka cirka ah ee lagu qaaday Israa’iil iyadoo si buuxda loogu guuleystay.

Xilli hore oo Saaka ah Ururka Xisbullah ayaa sheegay in in ka badan 320 gantaal ay ku rideen dhanka Israa’iil.

Warsaxaafadeed ay saartay kooxda ay Iran taageerto ee Lubnaan ayay ku sheegtay inay 11 goobood oo militari oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil ay la beegsatay boqollaal gantaallada Katyusha ah.

“Waa wajigii koowaad lagu beegsan lahaa xeryaha Israa’iil iyo goobaha wuu dhacay Ciqaabtu waxay noqon doontaa mid aad u darran oo adag,”  ayaa lagu yiri war kasoo baxay ururka.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqaynayaan bartilmaameedyada ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan, kaddib markii ay ogaadeen dhaq-dhaqaaqyo gantaallo ah iyo sawaariiq la doonayey in lagu garaaco Israa’iil

Afhayeenka ciidanka difaaca Israa’iil ee IDF, Daniel Hagari, ayaa isagoo ka hadlayey duqaynta ay fuliyeen waxaa uu sheegay.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu ku baaqay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadaan golaha wasiirada ee amniga.

Golaha ammaanka ee Israa’iil ayaa saaka shiraya. Muddo toddobaadyo ah.

Xafiiska Mr Netanyahu ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant ay ka “maareynayeen xaaladda” saldhigga milatari ee IDF ee Tel Aviv.