U bood dhigaalka

Ku dhawaad 200 oo qof oo lagu diley weearar ka shacay dalka Burkina Faso

Ku dhawaad ​​200 oo qof ayaa lagu dilay, halka 140 kalena lagu dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Barsalogho ee dalka Burkina Faso, waana weerarkii ugu dambeeyay ee weerarro is daba joog ah oo ay aaggaas ka gaystay koox hubeysan oo xiriirka la leh Al-Qaacida, kuwaas oo lagu magacaabo Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM).

Haween iyo carruur ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarka, waxayna magaalada Barsalogho ee dadka lagu laayay ay ku taal meel u dhow magaalada Kaya, oo ah goob istaraatiiji ah oo ku taal woqooyiga-bartamaha Burkina Faso oo ay deggan yihiin ciidamada dowladdu.
Dhowr askari ayaa la la’yahay weerarka kadib, iyadoo weerarkan ku soo beegmay xilli kooxda JNIM ay sii waday hor-u-socod dagaal oo ay ka qabsanayso dhul badan oo ka tirsan gobolkan ay dhibaatada colaadee ka taagan tahay ee Galbeedka Afrika.