Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay dhul go’ ka dhacay waqooyiga gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha dalkaasi, waana masiibadii labaad ee aaggaas ku dhufatay wax ka yar 5 todobaad.
Warbaahinta Axmaarada ee AMC oo soo xiganaysa maamulaha deegaanka Tesfaye Workneh ayaa Sheegtay in 10 qof ay ku dhinteen dhul go’a, ayadoo 4 qof oo mayd ah laga soo saaray dhoobada qar dunka hoosteeda.
Siddeed qof ayaa ayaguna si xun ugu dhaawacmay musiibada, kuwaas oo lagu daweynayo isbitaallada sida ay sheegtay warbaahinta AMC oo soo xiganaysa masuuliyiinta deegaanka.




From the comments