Ryan Evans, oo ahaa lataliye dhanka ammaanka ah oo ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay ka dib markii ay ciidamada Ruushku gantaal ku dhufteen huteel ku yaalla magaalada Kramatorsk ee bariga Ukraine, halkaas oo ay degganaayeen koox 6 ah oo ka tirsan wakaaladaha wararka.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xaqiijisay geerida Evans, oo 38 jir ahaa, kaas oo horey uga tirsanaan jiray ciidamada Ingiriiska, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wakaaladdu.
Warku waxay intaa ku darayaan in laba ka mid ah Wariyaasha oo ku dhaawacay weerarkaas, islamarkaana mid ka mid ah uu dhaawaciisu culus yahay lagu daweynayo Isbitaal, halka Saddexda xubnood ee kale ay badqaban.




From the comments