U bood dhigaalka

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigey rag lagu eedeeyay falal amni darro ah

Ciidanka Booliiska Soomaliyeed gaar ahaan taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa Gacanta kusoo dhigey eedeysanayaal kala duwan oo intooda badan loo haysto falal amniga lid ku ah iyo qalqal-gelin.

Raggan oo dhallinyaro u badan ayaa la sheegay inay bulshada dhexdeeda ku hayeen falal lidi ku ah ammniga iyo sharafka muwaadiniinta Soomaaliyeed , waxayna laama nabad-gelyadu ballanqaadeen inay maxkamad qaadista galdacwadeedkooda awood u leh horgeyn doonaan.

Si kastaba ha ahaatee muuqaallo saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu hadal-hayay ayaa muujinayay dhallinyaro ku kacaya falal xadgudub ah oo isku socadka gaadiidka iyo dadka, islamarkaana qaarkood ay wadada dhexdeeda kuraas dhiganayaan, ayagoo bastoolado dadka ku cabsi gelinaya.

Goobjoog.com