Ciidanka Booliiska Soomaliyeed gaar ahaan taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa Gacanta kusoo dhigey eedeysanayaal kala duwan oo intooda badan loo haysto falal amniga lid ku ah iyo qalqal-gelin.
Raggan oo dhallinyaro u badan ayaa la sheegay inay bulshada dhexdeeda ku hayeen falal lidi ku ah ammniga iyo sharafka muwaadiniinta Soomaaliyeed , waxayna laama nabad-gelyadu ballanqaadeen inay maxkamad qaadista galdacwadeedkooda awood u leh horgeyn doonaan.
Si kastaba ha ahaatee muuqaallo saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu hadal-hayay ayaa muujinayay dhallinyaro ku kacaya falal xadgudub ah oo isku socadka gaadiidka iyo dadka, islamarkaana qaarkood ay wadada dhexdeeda kuraas dhiganayaan, ayagoo bastoolado dadka ku cabsi gelinaya.
Goobjoog.com