U bood dhigaalka

Masar oo diyaarado ciidanka iyo saanad wada oo Muqdisho ka soo dejisay

Sheeko:War

Dowladda Masar ayaa laba diyaaradood oo la sheegay inay ciidan iyo saanad militari wadeen ka soo dejisay magaalada Muqdisho, waxayna tillaabadaani ku soo beegantay xilli dhowaan ay Soomaaliya iyo masar heshiis difaac kala saxiixdeen, sidoo kalena ay Qaahira isku diyaarinayso ka mid noqashada howlgalka cusub ee badeli doona ATMIS.

Golaha ammaanka ee Midowga Afrika ayaa bishii hore oggolaaday codsigii Masar ee ahaa in ciidamadeeda la geeyo Soomaaliya, islamarkaana ay qeyb ka noqdaan howlgalka cusub ee dhammaadka sanadkan dalka ka billaaban doona

Imaatinka diyaaradahan ay leeyihiin ciidamada Masar ayaa sidoo kale ku soo aadaya iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa, Qaahira ayaa iyaduna Addis waxaa kala dhexaysa xurguf xooggan oo ka dhalatay biyo xidheenka abay ee lagu muransan yahay.