U bood dhigaalka

Ugu yaraan 49 qof oo ku dhintay daadad ku dhiftay dalka Nigeria

Ugu yaraan 49 qof ayaa ku dhintay kumanaan kalena way ku barakaceen dalka Nigeria ka dib markii roobab mahiigaan ah ay sababeen daadad ku dhuftay waqooyi bari ee dalkaasi, sida ay sheegtay Hay’adda Maareynta Gurmadka Qaran ee lagu magacaabo(NEMA) .

Saddex gobol oo ku yaalla waqooyi-bari ee dalkaas, kuwaas oo kala ah Jigawa, Adamawa iyo Taraba ayaa waxaa si xun u saameeyay daadad, iyadoo 41,344 qof ay ku barakaceen, sida uu sheegay Manzo Ezekiel oo ah afhayeenka Hay’adda gurmadka ee NEMA.

Daadadkan ayaa ah kuwii ugu khasaaraha badnaa tan iyo sanadkii 2022, xilligaas oo fatahaado Nigeria ka dhacay ay ku dhinteen in ka badan 600 oo qof,halka ay ku barekeceen dad lagu qayaasay 1.4 milyan oo ruux.