Ugu yaraan 73 qof ayaa lagu dilay gobolka Balochistan ee dalka Pakistan, kadib markii kooxo gooni u goosad ahi ay weerareen saldhigyada boolis , khadad tareen iyo waddooyinka waaweyn oo halkaas ku yaallay, waxaana ciidamada ammaanku ay bilaabeen howlgallo aargoosi ah, sida ay saraakiishu sheegeen deegaanku.
Weeraradan ayaa ah kuwii ugu balaarnaa muddo sanado ah oo ay gaysteen kooxaha xagjirka ah oo wada kacdoon ay ku doonayaan in ay uga go’aan gobolka wax soo saarka qaniga ku ah ee Koonfur-galbeed ee dalkaasi Pakistan ku yaalla ee Balochistan, halkaas oo ay ka socdaan mashaariic waaweyn oo Shiinuhu hormuud ka yahay sida deked iyo macdan dahab iyo naxaas ah.
“Weeraradani waa qorshe si weyn looga fakaray oo lagu abuurayo fowdo gudaha Pakistan,” ayuu wasiirka arrimaha gudaha Mohsin Naqvi dalkaas oo arrin si kulul uga hadlay, Milateriga Pakistan ayaa ayaguna sheegay in askar badan iyo iyo maleeshaad lagu dilay dagaal dhacay ka dib weeraradii ugu weynaa ee dadka lagu laayay.




From the comments