U bood dhigaalka

Dowlad deegaanka Soomaalida oo soo saartay bariis cusub

Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ku guuleystay tijaabada nooc cusub oo bariis ah, kaas oo lagu beeray degaanka beer-caano ee dhuleed magaalada Godey, waxaana munaasabad halkaas lagu qabtay lagu soo bandhigey wax soo saarka dalaggan aan ku badnayn beeraha dhulka Soomaalida.

Bariiskaan oo laga tacbay mashruuca waraabka ee ka socda galbeedka magaalada Godey ee gobolka Shabeelle, ayaa munaasabadda lagu soo bandhigayay waxaa ka qeyb-galay madaxda ka socatay dowladda federaalka Itoobiya oo uu hormuud u ahaa ra’isulwasaare  ku xigeenka dalkaas iyo madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Mudane mustafe Cagjar.
Wasiirka Xaafiiska beeraha deegaanka Soomaalida mudane  Cabdulqadir Iimaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tabcidda bariiskan billaabeen bishii 5-aad ee sanadkan, islamarkaana ay doonayaan in mustaqbalka dhow uu deegaanku soo saarto dalag bariis oo baahidiisa ku filan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in mashruucan mid lamida ay horay uga hirgeliyeen gobolka Siti ee deegaanka Soomaalida, islamarkaana uu mira-dhal noqday oo hadda wax soo saarkiisu uu meel feecan marayo.

Dhulka Soomaalida ayaa intii hadan ah carro hodan ah oo wax walba lagu beeran karo, balse raashinka iyo waxyaabaha kale ee dadka Soomaalidu ay sida maalinlaha ah u isticmaalaan intooda badan dibedda ayaa laga soo dhoofiyaa, ayadoo aan cidina waqti iyo tacab badan galinayn sidii wax soo saarka gudaha loo xoojin lahaa.