U bood dhigaalka

Guddoomiyaha barlamaanka Turkmenistan oo warqadaha aqoonsiga ka guddoontay safiirka JFS

Sheeko:War

Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkmenistan oo matalaysa Madaxweynaha dalkaas ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoontay safiirka Soomaaliya Mudane Fatxudiin Cali maxamed oo fadhigiisu yahay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Baarlamaanka Turkmenistan ayay marwo D. Gulmanova warqadaha aqoonsiga ugu guddoontay danjire Fatxudiin Cali maxamed, ka dibna waxay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal ee xubnaha ka wada ah ururka Iskaashiga islaamka, islamarkaana xariirkoodu uu billowday sanadkii 2019.

Turkmenistan waa dal uu dhaqaalihiisu aad u korayo, wuxuuna safiirku sheegay inay ka wada-hadleen in laba dal ay iska kaashadaan dhinacyada hormarka, waxbarashada, sayniska iyo daryeelka caafimaadka.