Inta lagu jiro xilliyada roobka waddoo Muqdisho magaalada qaarkood waxay isku badelaan webi ama haramo biyaysan oo aan si fudud looga gudbi karin, waxaana maristooda ka caaga dadweynaha iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan.
Ka sokow biyaha jidadka iyo barxadaha ceegaaga waxaa jira dhiiqo iyo qashin goob walba waran oo bilicda magaalada iyo bedqabka dadweynahaba halis ku ah, islamarkaana caafimaad ahaan iyo hormar ahaanba caasimadda iyo bulshada ku nool dhaawac ku ah.
Dhiiqada iyo dacdada roobka oo si dabeeci ah ku yimaada markii laga soo tago waxaa dhibaatada ugu weyn horseed u ah qashinka ay dadku sida bareerka ah waddooyinka iyo faras-magaalayaasha ugu daadinayaan iyo wasaqda lo’da iyo dameeraha.




From the comments