U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Ku Baaqday Tallaabo Ka Dhan ah Shabakadaha Tahriibka

Sheeko:War

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Suudaan ayaa ku guulaysatay inay soo daadgurayso 31 muwaadin Soomaaliyeed oo laga soo daayey Port Sudan.

Dadkaan ayaa muddo shan bilood ah ku jiray gacanta shabakad tahriib ah oo ku sugan Suudaan.

Waxaa lagu soo furtay howlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidanka Ilaalada Xeebaha Suudaan.

Axmed Cabdi Xasan, Ku-Xigeenka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Suudaan, ayaa sheegay in dadka la sii daayey ay ku jireen todoba gabdhood.

Wuxuu u mahadceliyey Golaha KMG ee Suudaan iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) doorkooda wada shaqayneed, isagoo ugu baaqay in dadaal lagu bixiyo burburinta shabakadaha tahriibka iyo ka hortagga khataraha la xiriira socdaalka sharci-darrada ah iyo kan halista ah.