U bood dhigaalka

Ciidanka macawislayda gobolka Galgaduud oo weerar ku qaaday fariiso alshabaab ay ku lahaayeen Deegaanka ceel qurac

Ciidamad deegaanka ee macawislayda oo fadhigoodu yahay degaanka Bood ee gobolka Galgaduud ayaa weerar ku qaaday deegaan lagu magacaabo Ceel qurac oo qiyaastii 2 KM u jira magaalada bood, dhanka waqooyina kaga beegan sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.

Howlgalka ayaa waxaa hogaaminayay Cabduqaadir Cali Bugle oo kamid ah saraakiisha Ciidamadda iyo nabaddoon l Hagar Barre oo kamid ah Taliyayaasha Ciidamadda degaanka.

Dagaal culus oo halkaasi ka dhacay ka dib ayay ciidanku waxay xaqiijiyeen inay dileen 7 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab sida ay warbaahinta afka Ciidamada ku hadashaahi ka soo xegatay l xoogagga deegaanka.