Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee magacaabista Maareeye ku-xigeenka Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, kaas oo noqonaya Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed.
Shirka oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu meelmariyey Heshiis ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha iyo horumarinta oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.




From the comments