U bood dhigaalka

Dowladda oo muddo kordhin u sameysay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Sheeko:War

Dowlada Soomaaliya oo Warqad udirtay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo jeedisay Mudo laba Sano ah oo looga guurayo Xafiiska UNSOM loona guurayo UNCT.

Mudadan waxaa sidoo kale ay dowladu qeexday howlaha Xafiiska cusub ee QM oo loogu magac daray UNATMIS waxaana howlihiisa ay ku ekaan doonan arimaha taageerada dib udbiska Hey’adaha Dowlada, Gar gaarka bini aadanimada, Xuquuqda aadanaha iyo sareynta Sharciga.

Dowlada Soomaaliya ayaa cadeysay in arimaha Siyaasada ay yihiin howlo ay Soomaalida leedahay.

Qorshaha waxaa la filayaa in uu bilowdo Bisha November ee Sanadkan islamarkaana uu soo gaba gaboobo 2026 waxaana xiligaasi kadib Xafiiska QM ee Soomaaliya ee hada jira uu noqonayaa mid xirma howlaha harayna ay la wareegi doonaan Kooxda UNCT.

Sidoo kale waxaa mudada labada sano ah la yareyn doonaa Shaqaalaha Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Qarashka ku baxaba iyadoo shaqooyinka ay qabtaana ay ku wareejin doonaan Soomaalida.