U bood dhigaalka

Masjid ay leeyihiin Soomaalida Minnesota oo weerar lagu qaaday

Sheeko:War

Imaamka masjidka Daarul Xikma ee magaalada Minneapolis ee gobolka Mineesota ayaa sheegay in weerar loo geystay masaajidkaasi xilli habeen ah.

Waxa uu sheegay in laamaha ammaanku ay baarayaan falkan islamarkaana aan wali la aqonsan ninkii falkaasi weerarka ah u gaystay masaajidka.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka booliska ay soo gaareen masjidka, islamarkaana ay bilaabeen baaritaano.

Ninka hubeysan oo afka soo duubtay ayaa jabiyay Albaabka laga galo Masjidka. Waxaa uu galay gudaha Xafiiska Imaamka Waxaa qaatay wixii yaallay.

Sidoo kale ninkaan ayaa waxyeelo gaarsiiyay goobo ganacsi oo muhiim ah oo ku yaallay gudaha Masjidka.

Wali lama xaqiijin in falka ninkaan geystay in uu yahay dambi ku saleysan naceyb iyo in kale.