U bood dhigaalka

Mid ka mid ah hogaamiyayaasha Magafa-yaasha Liibiya oo gacanta lagu dhigay

Sheeko:War

Dowladda Liibiya ayaa Sabtidii sheegtay inay burburisay shabakad tahriibinta dadka oo ku taalla Koonfur-galbeed dalkaas.

Shabakadan magafa-yaasha ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin xarig sharci darro ah, jirdil, iyo kufsi.

Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Liibiya ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay qabteen mid ka mid ah hogaamiyeyaasha shabakadan iyo 10 xubnood oo kale.

Waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan falal dambiyeedyo ay ka mid yihiin dil, xarig sharci darro ah, jirdil, iyo kufsi loo geystay muhaajiriin, ay ku jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed.

Baaritaanada dowladda ayaa muujiyay in kooxahani ay dhibaatooyin kala duwan u geysteen muhaajiriin gaaraya 1,300 qof, kuwaas oo lagu haystay xaalado adag, iyadoo lacag baad ah laga qaadayo si loo sii daayo.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa si gaar ah ugu nugul xaaladaha noocan oo kale ah, iyagoo mararka qaar la kulma jirdil iyo tacaddiyo kale.

Liibiya ayaa wajahday fowdo iyo xaalado siyaasadeed oo adag tan iyo markii duullaan NATO ay meesha ka saartay hogaamiyihii hore, Muammar Gaddafi, 2011-kii. Dalka ayaa hadda ku jira xaalad kala guur ah, iyadoo kooxo kala duwan ay ku loolamayaan awoodda iyo saamiga maamulka.