U bood dhigaalka

Ugu yaraan 2 qof oo isra’iiliyiin ah ayaa lagu diley Daanta Galbeed

Ugu yaraan laba qof oo Israa’iiliyiin ah ayaa la diley, halka 3 kalena la dhaawacay ka dib markii gaari ay saarnaayeen lagu rasaaseeyay meel u dhow magaalada Hebron ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed ee falastiin, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka Israa’iil .

Ciidamada  Israa’iil ayaa xaqiijiyay weerarka dadkaas lagu diley, waxaana ay sheegeen in  ay ku raad joogaan kooxdii falkaas geysatay, sida ay wakaalada wararka Reuters ka soo xigatay saraakiisha ammaanka Israa’iil

Weerarkan ayaa ku soo beegmay xilli maalmihii la soo dhaafay ciidamada Israa’iil ay Daanta galbeed, gaar ahaan Qudus ka wadeen xadgudubyo ka dhan ah dadka reer falastiin iyo masaajidka barakaysan ee Al-aqsa.