U bood dhigaalka

Dowladda Ingiriiska oo Sheegtay inay joojinayso hubka ay siiso Israa’iil

Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday inay hoos u dhigayso saanadda ciidan ee ay siiso ama ka iibiso maamulka Israa’iil, ayadoo sheegtay inay joojinayso 30 ka mid ah 350-ka shatiyada hubka ah ee ay u dhoofiyo Israa’iil, sababa la xariira halis ka dhalan karta iyo waxyaabaha shuruucda caalamiga ah iyo bini’aadantinimada ka baxsan ee loo adeegsado qalabkaas militari.

Xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska David Lammy ayaa isniintii usheegay baarlamaanka dalkaas in mamnuucida qeyb ka mid ah dhoofinta hubku ay tahay tillaabo looga hortagayo in loo isticmaali karo dagaalka hadda ka socda marinka Qasa.
Markii uu Xisbiga Shaqaalaha UK ku guuleystay doorashadii guud ee bishii Luulyo ka dhacday dalkaas David Lammy ayaa sheegay in ay dib u u eegis ku samayn doonaan shatiyada iibka hubka ee Britain ay ka iibiso xulafada Israa’iil si loo hubiyo inay u hoggaansameen sharciga caalamiga.

David Lammy ayaa intaa ku daray in aysan tillaabadani ka dhignayn xayiraad ama cunaqabatayn dhanka hubka ah ee ay Israa’iil saarayaan, islamarkaana UK ay sii wadi doonto taageeridda Israa’iil ay xaqa u leedahay ee is-difaaca ah si waafaqsan shuruucda caalamiga ah, sidoo aysan hubkan ku jirin diyaaradaha dagaalka ee F-35.