U bood dhigaalka

Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya oo beenisay in maamulka hawada lagu wareejiyay Shirkad Shisheeye

Sheeko:War

War-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda Duulista rayidka Soomaaliya ayaa looga hadlay xaaladda hawada Soomaaliya iyo doorka dowladda Soomaaliya.

Waxaa lagu sheegay in hawada Soomaaliya ay tahay astaan qaran oo muhiim ah, taasoo muujineysa in maamulka iyo ilaalinteeda ay tahay masuuliyad gaar ah oo dowladda Soomaaliya leedahay.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay cadeeysay in aysan suurtogal ahayn in hawada dalka ay gacan kale maamusho, taasoo muujineysa in aysan jirin qorshe ay dowladda ogtahay oo awood u siinaya cid kale in ay maamusho hawada Soomaaliya.

War-saxaafadeedkan ayaa sidoo kale ka jawaabaya eedeymo la xiriira in Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay hawada dalka ku wareejinayso dowladda Imaaraadka Carabta. Hay’adda duulista ayaa tilmaantay in warkaas uu yahay “beer abuur,” taasoo ka dhigan in ay u arkaan eedayntaasi mid aan sal iyo raad toona lahayn, oo aan xaqiiqo ku salaysnayn.

Ugu dambeyntii, war-saxaafadeedkan wuxuu soo bandhigay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u maamusho hawada dalka, ayna jirin wax qorshe ah oo lagu wareejinayo maamulka hawada meel kale.