Warbaahinta dunida, gaar ahaan midda reer galbeedka ayaa si weyn u hadal-haysa Sheekada Nibiri nooca loo yaqaanno beluga ah oo meydkiisa laga helay xeebaha koofureed ee dalka Norway.
Nibirigan oo ay dalalka reer galbeed u bixiyeen HValdimir oo ah magaca sawir qaade reer Norway ah, sidoo kalena dhawaaq ahaan u dhow magaca madaxweynaha Ruushka, ayaa looga shakisanyahay inuu ahaa basaas ay adeegsadaan ciidamada badda dalkaasi.
Noolahan oo uu qoorta ugu xirnaa suun lagu shaabadeeyay wax u muuqda kaamirooyinka wax duuba ayaa markii ugu horreysay lagu arkay xeebaha Norway sanadkii 2019, waxaana taniyo xilligaas laysla dhex marayay warar aan la hubin oo sheegaya inuu ahaa basaas ay ciidamada Ruushku adeegsadaan, islamarkaana tababar heer sare ku qaaday xeryo militari oo ciidamada dalkaasi ay Leeyihiin .




From the comments