U bood dhigaalka

Aflaanta xun xun oo la ogaaday inay saamayn taban ku leeyihiin hab fakarka carruurta

Daawashada Aflaanta xun xun ama ku saabsan dagaallada, tuuganimada, arrimaha jinsiga la xariira, iyo falalka dhaca iyo boobka ah ayaa la ogaaday inay saamayn taban ku leeyihiin hab-dhaqanka iyo fakarka carruurta.

Daarasado kala duwan ayaa daboolka ka qaaday in kobaca garaadka da’yarta ay saamayn weyn ku yeeshaan aflaanta hororka ah iyo kuwa la xariira faldembiyeedyada halista ah.

Xeeldheereyaasha barbaarinta ubadka ayaa rumaysan in carruurtu waxyaabaha aflaanta ka daawadaan ay u badantahay inay fal ahaan u sameeyaan marka ay weynaadaan, ayagoo ku dayana jilaayasha filimadii ay aadka u xiisayn jireen markii ay yar yaraayeen.

Aflaanta xun xun ayaa gudbinaya dhaqamo shisheeye iyo diimo kala duwan, kuwaas oo dhalan rogi kara hab-dhaqanka iyo anshaxa suuban ee da’yarta, waxayna Xeeldheereyaashu ku talinayaan in dowladdu ay hubiso aflaanta ajaanibta ee dalka lagu baahinayo, si looga hortago dhaqan xumada ay xambaarsanyihiin iyo halista ay keeni karaan.