U bood dhigaalka

Booliska Gobolka Banaadir oo soo qabtay Askari lacago baad ah qaadaayay

Sheeko:War

Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, gaar ahaan Saldhigga Dharkenleey, ayaa si guul leh gacanta ugu dhigay eedeysanaha Faysal Ibraahim Samow.

Faysal ayaa lagu eedeeyay inuu isbaaro u dhigtay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugan deegaanka Weydow. Tani waa fal ka dhan ah sharciga iyo xeerarka dalka, iyadoo lagu darayo in falalka noocan oo kale ah ay ka dhigan yihiin hanjabaad weyn oo ku saabsan ammaanka iyo xasiloonida bulshada.

Soo qabashada ninkaan Gacanta lagu soo dhigay Faysal Ibraahim Samow ayaa ka tarjumaysa Sida ay sheegeen booliska dadaalka joogtada ah ee ay ciidamada Boliiska ka wadaan sidii ay u xakameyn lahaayeen falalka amni darada iyo musuqmaasuqa. Isbaarooyinkaan, oo ah kuwo aan la aqbali karin, waxay khatar ku yihiin nabadda iyo amniga bulshada, iyagoo keenaya dhibaatoyin joogto ah oo ku saabsan dhaqaale, caafimaad, iyo ammaanka guud ee dadka.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay Dadka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay helaan adeegyo iyo amni aan cadaadis lahayn.

“Qeybta Guud ee Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Dharkenleey ayaa gacanta kusoodhigay eedaysane Faysal Ibraahim Samow oo ku eedaysan inuu isbaaro u dhigtay muwaadiin Soomaliyeed deegaanka weeydow” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliska.

Taliska Booliska ayaa ka digay in shacabka Soomaaliyeed laga qaado lacago baad ah.