U bood dhigaalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay kulan maamuuseedka Shiinaha ee madaxda Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala qeyb-galay Madaxda Afrika ee ka qeyb-galaya Madasha Shiinaha iyo Afrika munaasabad sharafeed uu soo agaasimay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha Mudane Xi Jinping, taas oo hordhac u ah furtaanka Madasha.

Madasha Shiinaha iyo Afrika ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha, amniga, iyo horumarinta bulshada, iyadoo laga arrinsanayo kobcinta maalgashiga iyo mashaariicda horumarineed ee Jamhuuriyadda Shiinuhu ay ka fuliyaan Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Madasha, waxa uu la kulmi doonaa hoggaamiyeyaasha iyo wakiillada sare ee dalalka Afrika iyo Shiinaha, si loo dardar geliyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dalkeennu uu la leeyahay caalamka.