U bood dhigaalka

Itoobiya oo dan muhiim ah u aragta sii socashada dagaalka Alshabaab

Dowladda Itoobiya oo hadda Soomaalida inta damiirka iyo garashada quman lihi ay u aragto cadowga koobaad ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii ay ciidamadeedu qeyb uga noqan lahaayeen howlgalka cusub ee badeli doona ATMIS oo dhammaadka sanadkan ku ek.

Sidoo kale madaxdeeda ayaa sheegay in ay qasab tahay in lagala tashado arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan howlgalka cusub oo ay sheegeen in haddii ay ka mid noqan waayaan ay Soomaaliya galayso qalalaaso nabad-gelyado oo aan horay loo arag, islamarkaana awoodda Alshabaab iyo dagaallada Sokeeyeba ay kordhi doonaan.

Hadalladan iyo falal curfiga dowladnimada iyo deris wadaagga ka baxsan oo taliska Abii Axmed qaaday ayaa jawaab u ahaa go’aan ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay sii joogista ciidamada ee gudaha dalka Itoobiya ka dib heshiiskii xadgudubka ahaa ee ay la galeen Muuse Biixi.

Haddaba Itoobiya ma waxay dan u aragtaa sii socashada dagaalka Alshabaab ?

Warcelinta weydiinta sare ku xusan ayay xeeldheereyaasha iyo aqoonyahannada intooda badani isku raaceen inay tahay “Haa”, ayagoo sheegay in Alshabaab markeedii horeba ay ka abuurantay xadgudubyo ay ciidamada Itoobiya geysteen sanadkii 2006-dii markii ay dalka, gaar ahaan caasimadda soo galeen.

Inkastoo xilligaas ujeedkii ay dalka u yimaadeen lagu sheegay suurta-gelinta in dowladdi kumeel gaarka ahayd ay madaxtooyada villa Soomaaliya saldhigato, haddana xasuuqii ay  ciidamada  Itoobiya goortaas geysteen ayaa keenay dhimashada kumanaan Soomaali ah iyo curashada aragtiyo xagjir ah.

Wixii markaas ka dambeeyay ciidamada Itoobiya ayagoo haddaba shaati cusub oo ay dalka ku sii joogi karaan soo xiranaya ayay ku sugnaayeen gobollada Gedo, Baay, Bakool, Hiiraan, iyo meelo kale, ka qeyb-qaadashada dagaalka Alshabaab waqtiga ay geliyaan mid ka badan ayayna u hurayeen fulinta danaha guracan ee ay xabashidu ku cuuryaaminayso dowlad-dhiska iyo xasiloonida Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la rumaysanyahay in ciidamadaas iyo wakiillo kale oo gudaha dalka u joogaahiba ay tobanaankii sanoo la soo dhaafay ka shaqaynayeen abuuridda dad ayaga taageersan, ayagoo aragti Itoobiyaan jaceyl ah ku tallaalaya dhallinyarada iyo bulshada inteeda aan xog ogaalka ahayn.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Addis Ababa waxay wax walba u huraysaa inaysan Soomaaliya weligeed dowlad xoog leh noqan, waxaana lagama maarmaan ah in aragtiyo ka dhan ah hargaadamadeeda manhajka dalka lagu daro, si dhallinyaradu arrintaas xog ogaal ugu ahaadaan sida ay qabaan xeeldheereyaashu.