U bood dhigaalka

Dhacdooyin Itoobiya dan u ah oo ka socda gudaha Soomaaliya

Dowladda Itoobiya ayaa wadda abaabul ciidan iyo diyaargarow dagaal, sidoo kale waxay qorshaynaysaa tillaabooyin guracan oo ka dhan ah midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

gudaha dalkaas waxaa ka socda guubaabo iyo kicin dadweyne oo uu wado maamulka Abii Axmed, waxayna warbaahinta xabashidu xoogga saarayaan baahinta barnaamijyo ku saabsan xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, ayadoo dadka loo sheegayo in Itoobiya lagu soo duulay, islamarkaana loo baahanyahay in loo midoobo dagaalka Soomaaliya iyo Masar.
Ra’iisul Wasaare Abii Axmed ayaa asaguna saacado ka hor kormeeray ciidan iyo hub culus oo gantaallo ah, kuwaas oo lagu soo daabulayo soohdinta, gaar ahaan gobolka Shabeelle ee ay Godey magaalo madaxda u tahay.

ayadoo ay sidaas tahay, islamarkaana ay xaaladdu faraha ka sii baxayso oo Itoobiya ay weli dameceedii guracnaa ee badda ku taagantahay, ayna u diyaargaroobayso duullaan ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dalka ayaa haddana waxaa gudaha Soomaaliya ka socda falal iyo dhacdooyin dan u ah cadowgaas halista ah.

Dhacdooyinkaas ayaa ka billowday bannaanbax si cad loogu taageerayo Itoobiya oo ka dhacay magaalooyinka Xudur iyo Waajid ee gobolka Bakool, arrintaas oo caro iyo hadal-hayn weyn ka dhex abuurtay Soomaalida.

Dibadbaxa dadweynaha gobolka Bakool ayaa la dareensanaa inay ciidamada Itoobiya abaabuleen, islamarkaana bulshada intooda badan lagu qasbay inay ka qeyb-galaan, halka qaarna looga faa’iidaystay baahida nabad-gelyo ee deegaanadaas ka jirta.

Ka sokow sawirka ay bixinayeen iyo sida looga xumaaday, haddana bannaanbaxyadaasi saameyn weyn ma yeesheen, maadaama la ogyahay in dadka lagu qasbay, balse xildhibaano muqdisho ka hadlay ayaa xaaladda uga sii daray oo weero Itoobiya qalbi qaboojin u ah laga soo tabiyay.

Xildhibaanada hadalkooda oo gef iyo dhabar jabin qaran loo fasirtay, falcelintii laga bixiyay ayaa ayaduna ka daroo dibi dhal noqatay, taas oo keentay kala qeybsanaan bulsho iyo xurguf qabiilaysan oo aan la xakamayn karin.

Dad caadifadayn oo xildhibaanada hadalkooda ka Carooday, islamarkaana erayo xanaf leh adeegsanaya iyo kuwo mudaneyaashaas qabiil ahaan u difaacaya, ayagoo aan wax ka soo qaadin gefka lagu haysto ayay dadweynuhu u kala bexeen, Itoobiyana sidaas ayay rabtay oo kala daadsanaanta iyo midnima la’aantu waa u fursad dahabi ah.

Haddaba xeeldheereyaasha iyo aqoonyahannada ayaa ku talinaya in Soomaalidu madax iyo shacabba in si hoose loo xalliyo khilaafka, islamarkaana loo midoobo difaaca dalka iyo ka hortagga gardarrada Itoobiya.